Erdogan oo Shaki galiyay in ay ka howlgalaan Garoonka Kabul shaacana ka qaaday in ay…

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa shaki galiyay sida ay u dhaqmayaan hogaamiyaasha kooxda Taalibaan ee la wareegay talada dalka Afganistan kadib markii ka awood badiyeen dowladii sharciga aheyd.
Erdogan oo la hadlay Wariyaasha ayaa sheegay inay dalka iyo dadka Afganistan taageeri doonaan, balse la qiimeyn doono Maamulka ay Taalibaan u dhisaan dalkaasi oo ay ku nool yihiin dad gaaraya 40 million oo qof.
 
Waxa uu sheegay Madaxweyne Erdogan in lagu soo wargeliyey in lasoo gebagebeeyey daad-gureyntii Ciiddanka iyo Diplomaasiyiinta Turkiga ee joogay dalka Afganistan gaar ahaan magaalada Kabul.
 
Madaxweyne Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in Safaaradii Turkiga ku laheyd magaaladda Kabul dib u bilowday hawlaheeda caadiga ah, waxa uuna xusay in ay il gaar ah ku heyn doonaan amaanka dadka Turkiga u dhashay ee kunool Afganistan.
Erdogan ayaa sheegay in Taalibaan ka dalbatay in ay ka howlgalaan garoonka diyaaradaha Kabul, waxa uu tilmaamay inaysan ku laaban Karin inta uu dhiig ku daadanayo Garoonka diyaaradaha Kabul.
 
“Waxay Taalibaan sheegeen inaan Garoonka ka hawlgalno, balse, ay iyaga gacanta ku haynayaan Ammaanka, sidee ayaan Caalamka ugu fasiri karnaa haddii uu dhiig kale ku daato Garoonka Kabul marka nalagu wareejiyo. Ma aha shaqo fudud” ayuu yiri Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in wadahadalo hoose u socdaan Sirdoonka dalka Turkiga iyo Taalibaan, waxa uuna cadeeyay in loo baahan yahay Heshiis dhanka Ammaanka oo dhex mara Turkiga iyo Taalibaan si wax looga qabto Kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -