Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jabhada TPLF oo wax lala yaabo ku tilmaantay baaq ka soo yeeray Midowga Afrika

Jabhada TPLF ee dagaalka ka wada gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay dhexdhexaadin uu wado Midowga Africa si loo joojiyo dagaalka ka socda Itoobiya.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayaa ku eedeeyay Midowga Africa inuu dhinac u janjeero oo aysan dhexdhexaad ka aheyn dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya.

“Midowga Afrika waxay horey si cad u taageereen duulaanka ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen gobolka Tigray sidee bay suuragal ku tahay iney hadda dhexdhexaad noqdaan” ayuu yiri afhayeenka

Midowga Afrika ayaa Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo u magacaabay inuu noqdo ergey ka wakiil ah oo ka shaqeeya sidii xabada loo joojin lahaa, xal waarana looga gaari lahaa colaada Itoobiya.

Hase ahaatee Afhayeenka kooxda TPLF ayaa sheegay in xitaa hadii ay aqbalaan dhexdhexaadinta Mr Obasanjo, ay aaminsan yihiin in aanay waxba ka soo bixi doonin wadahadalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibed-baxyo looga horjeedo Farmaajo oo caawa ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxwyane Farmaajo oo arrin xasaasi kashifay iyo Cidamada Garowe & Kismaayo oo hegan Lagaliyay !!

admin

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Shir looga hadlayo arrin muhiim ah ka furay Kismaayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---