Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Somalia oo dalka Azerbaijan kaga qeyb galay..

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa dalka Azerbaijan kaga qeybgalay shir caalami ah oo dirradda lagu saaray arrimaha amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo ilaalinta Xeerarka lagu heshiiyay ee nidaamka dowladnimada.

“Intii ay socdeen doodaha laga jeediyey madashaan caalamiga ah ayaa waxaan si gaar ah uga hadlay caqabadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira dalkeenna iyo dhibaatooyinka kooxaha argagixisada ah wali ku hayaan nidaamka dowliga ah” ayuu yiri MW Shariif oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waxaan kaloo diirrada saaray sida ay muhiim u tahay in xasillooni iyo nabad waarta la heli karo oo kaliya marka dowladuhu ay ixtiraamaan dastuuradooda islamarkaana xoojiyaan ku dhaqanka sharciga, una hoggaansamaan muddo xileedkooda” ayuu hadalkiisa sii raaciyay MW Shariif.

Sidoo kale Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxdii ka qaybgashay Madashaan caalamiga ah waxaana kamid ahaa Madaxwaynaha Aserbajaan Mudane Ilham Aliyev.

 

Related posts

Labo Xaaladood oo saameyn aad u xun ku yeeshay Soomaaliya Sanadkii tagay

Cabdi Cade

Xildhibaanada Gollaha Shacabka oo beri kulmaya iyo Ajandaha kulanka oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Saraakiil ka goosatay Danab iyo Gor Gor oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---