Katiinad Dheyman ah ay xiratay Fanaanada Beyoncé oo muran dhalisay (Sawirro)

Fanaanada caan ah ee Beyonce ee u dhalatay dalka Mareykanka ayaa dood iyo hadal heyn badan ka abuurtay baraha bulshada kadib markii ay xiratay  katiinadda dheemanka ee loogu magac daray Tiffany Yellow.

Beyonce oo Madow ah ayaa soo xiratay kaniitanada dheymanka xili ay ka qeyb galeysay munaasabadda abaalmarinta caalamiga ee Grammy, waxaana sawirro iyo muuqaal ay iska soo qaaday iyada oo dheymanka xiran soo dhigtay baraha bulshada.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga falceliyay katiinada ay soo xiratay fanaanadan, waxaana dad u badan Afrikan si weyn uga falceliyeen uguna dhaliileen fanaanada katiinadan dheymabnka ee soo xiratay uu yahay mid Afrika laga xaday.

Dheymanka ee katiinadan ka sameesan tahay ayaa  laga helay dalka Koonfur Afrika sanadkii 1877-dii, waxa ayna dadka fanaanada dhaliilayay sheegeen in dheymanka laga xaday dalka Koonfur Afrika xiligii gumeestaha.

Katiinaddan dheemanka ah ayaa kaliye la xirtay saddex jeer, waxaa horey u xiratay atariishada reer Mareykankan ee Audrey Hepburn 1961-kii iyo Lady Gaga oo xiratay sannadka 2019-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -