Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo goor dhow ka dhacay Magaalada Boosaaso

Qarax ayaa la soo sheegayaa inuu caawa fiidnimadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, iyadoo wararka soo baxayana ay sheegayaan inuu geystay khasaare nafeed.

Warka ayaa intaas ku daraya in qaraxa uu ka dhashay bam gacmeed lagu weeraray xarunta dowlada hoose ee magaalada Boosaaso, waxaana qaraxa ka dib la maqlay rasaas ay ridayeen ilaalada xaruntaas.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen ugu yaraan 3 qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo loola cararay goobaha Caafimaadka, waxayna u badnaayeen ilaalada xarunta la weeraray.

Xaalada magaalada Boosaaso ayaa kacsan, waxaana ciidamada amaanku ay bilaabeen howlgalo xoogan, iyagoo xiray jidadka qaar, dadweynuhuna waxay bilaabeen iney xili horeba kala hoydaan.

Maamulka Puntland ee magaalada Boosaaso ayaan ka hadlin weerarkan oo si weyn loo aaminsan yahay iney ka dambeeyaan kooxaha Daacish ama Al-shabaab oo fariisimo ku leh meelo aan wax badan ka fogeyn magaalada Boosaaso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -