Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo magaalada Muqdisho kula kulmay Magatte Guisse

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa  Muqdishu kulan kula qaatay madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR Mr. Magatte Guisse .
 
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wadashaqeynta UNHRC iyo Dowladda Galmudug iyo sidii loo dardar gelin lahaa Xafiiska Hay’adda ay dhawaan ku yeelan doonto Caasimadda Dhusamareeb.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ku booriyay Magatte Guisse, in ay xafiis rasmi ah ka furtay Galmudug si ay ula socdaan una gacan qabtaan qaxootiga dib ugu soo laabanaya deegaanada Galmudug iyo kuwa colaadaha ku barakacay.
Madaxa Cusub ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR Mr. Magatte Guisse ayaa dhawaan xilka loo soo magacaabay, waxa uuna wadaa kulamo uu la qaadanayo madaxda Dowlad goboleedyada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sanduuqa dhismaha Nabadda Soomaaliya oo lagu bixinayo 30-Milyan oo Dollar

Cabdi Cade

Madaxda Carabta oo ka hor yimid qorshaha Trump ee Gaza

Caydiid Ali

C/rashiid Janan oo Muqdisho ku yimid socdaal shaki badan laga Muujiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---