Jubbaland oo gaadiid dagaal iyo ciidamo badan kusoo bandhigtay Balad Xaawo iyo Janan oo la hadlay (Daawo Sawirada)

Maamulka Jubbaland ayaa saakay duleedka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxa ay kusoo bandhigeen gaadiid dagaal iyo ciidamo badan oo katirsan Daraawiishta Jubbaland.

Goobta lagu soo bandhigayay ciidankan iyo gaadiidka dagaalka waxaa goob joog ka ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan.

Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay ciidanka lasoo bandhigay ayaa u sheegay in ay ka digtoonaadaan colaad uu sheegay in dowlada federaalka ka abaabuleyso gobolka Gedo, waxa uu sidoo kale ku eedeeyay dowlada in cunaqabateyn saartay shacabka gedo.

Wasiirka Amniga  Jubbaland Cabdi rashiid Janan, oo isna la hadlay ciidanka ayaa ku ammaanay sida geesinimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca deeganadooda, waxa uuna ka digay colaad uu sheegay in ay wado dowlada federaalka.

Magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo waxaa hada inta badan gacanta ku haya ciidamo ka amar qaata dowlada federaalka halka sidoo kale ciidamo katirsan maamulka Jubbaland ay joogaan qeybo degmadaasi katirsan iyo duleedkeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -