Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhulgariir laga dareemay Magaalooyin ku yaalla Koonfurta dalka Britain (Sawirro)

Dhismayaal ku yaalla koonfurta dalka Britain ayaa ruxmay ka dib markii uu halkaas ku dhuftay dhul gariir aan sidaa u weyneyn oo cabirkiisu gaarayey 3.3 abbaare 9.45am ee xiliga dalkaas

Warbaahinta CoventryLive ayaa xiriir la sameysay British Geological Survey (BGS) oo hada baaraya dhacdadan waxayna sheegeen in dhul gariirku 10km si qoto dheer looga dareemay

Ma jiraan warbixino ah oo sheegaya qasaaraha ka dhashay dhul gariirka oo laga dareemay guud ahaan Gobolada Bedfordshire, Buckinghamshire Milton Keynes, Aylesbury, Leighton Buzzard iyo Dunstable.

Dadku waxay kaga hadleen baraha bulshada saaka kadib dhul gariirkii, iyadoo Afhayeen u hadlay BGS uu goor dambe xaqiijiyay in dhulgariirku cabirkiisu ahaa 3.3 waxaana udub dhexaad u ahaa magaalada Leighton Buzzard.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Caan ah oo ka bad baaday qarax la doonayay in lagu dilo

Cabdi Cade

Guddiga doorashada Somaliland oo War cusub soo saaray

Caydiid Ali

Madax hore iyo Siyaasiyiin Caan ah oo laga yaabo in Diyaarado Milatari ku tagaan Kismaayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---