Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta oo wada casheeyay (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa xalay casho sharaf u sameeyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Golaha Midowga Musharaxiinta.

Casha sharafta uu xalay sameeyay Madaxweynaha Galmudug ayaa daba socotay kulan ay yeesheen ay uga arinsanayeen habraaca doorashada eev soo saareen golaha Wadatashiga Qaran kaa oo ay si adag uga hor yimaadeen Midowga Musharaxiinta.

Kulamo kale oo dheeraad ah ayaa la filayaa in ay isugu yimaadaan Madaxda dowlad goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta si ay uga wada hadlaan qodobada cabashada laga yahay ee ku jira habraacii ugu dambeeyay ee lasoo saaray.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa horey loogu xamanayay in xiriir hoosev leeyihiin qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada hasa ahaatee musharaxiinta ayaa shaki badan ka qaba Madaxda dowlad goboleedyada oo mar kale awoodooda la kordhiyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -