Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo la kulmay dhigiisa Itoobiya Gen. Birhanu Julla (Sawirro)

Taliyaha ciidanka XDS Gen.  Odowaa Yuusuf Raage iyo dhigiisa Ethiopia, Gen. Birhanu Julla iyo ayaa yeeshay kulan looga hadlay iskaashiga amniga labada dal.

Gen. Odowaa oo ku sugan caasimada Ethiopia ee Addis Ababa ayaa dhigiisa Birhanu Julla  la wadaagay in ciidanka Soomaaliya ay hayaan wadada Isku filnaashaha ee ay amniga dalkooda kula wareegi lahaayeen sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas.

Sidoo kale Gen. Odowaa ayaa faahfaahin ka bixiyey sida ay u socdaan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda gudaha Somalia oo uu xusay in guulo badan laga gaaray.

“Waxaan u mahad celinaynaa dowlada Itoobiya oo ciidamadeeda ay qeyb ka yihiin AMISOM dagaalkana kula jira argagaxisada Soomaaliya” ayuu yiri Gen. Odowaa.

Dhinaciisa Gen. Birhanu Julla Taliyaha Guud ee Ciidanka Ethiopia ayaa isna sheegay in mar walba ay garabsiin doonaan Ciidanka Soomaaliya. oo aysan marnaba kaalintooda baneyn doonin.

“Cadowga dariskaga waa cadawgaaga nabada dariskaaguna Waa nabadaada sidaas darteed Waa inaynu si  wada jira ah u cirib-tirnaa cadawgeena” ayuu yiri Gen. Birhanu Julla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

.

 

- Advertisement -