Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland oo laga helay cudurka COVID-19

Maamulka Puntland ayaa caawa shaaciyey kiisas cusub oo cudurka Coronavirus ah, kuwaasoo laga helay degaanada hoos taga maamulkaas.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Farax Xasan ayaa sheegay in maanta oo ah 7-da May 2020 la baaray dad gaaraya 22 qof, lagana helay cudurka Coronavirus 8 qof, iyadoo qof ku jiray karaantiilka Garowe uu cudurka u dhintay.

Jaamac Farax Xasan ayaa caddeeyay in laba Xubnood oo ka mida Golaha wasiiradda Puntland laga helay cudurka Covid-19, iyadoo dadka cudurka laga helay ay kala joogaan Garowe, Gaalkacyo iyo Qardho.

Lama shaacin magacyada Wasiirada cudurka laga helay balse waxaa la sheegay inay is karaantiileen, waxaana lasoo weriyey in dad badan oo lagu arkay calaamadaha cudurka Coronavirus ay ku dhinteen magaalada Boosaaso.

Dadka guud dadka caqaba cudurka Covid-19 ee degaanada Puntland ayaa gaaray 59 qof; waxaana u dhintay 2 qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -