Jabhada ONLF iyo dowlaa Itoobiya oo maanta heshiis kala saxiixanaya

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Asmara ee caasimada dalka Itoobiya heshiis ku kala saxiixdaan Jabhada ONLF iyo dowlada Itoobiya oo sanado badan uu dagaal u dhaxeeyay.

Afahayeenka ONLF Cabdi Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani) ayaa sheegay in wadahadalo ay la yeesheen dowlada Itoobiya la isku afgartay qodobo ay kamid yihiin aayo ka talinta,arrimaha dhaqaalaha iyo arrimaha ammanka dalka.

Waxa uu sheegay Afhayeenka Jabhada ONLF in wali aan wax heshiis ah laga gaarin arimaha siyaasada, waxa uuna sheegay in la isku fahamy in ONLF hadafkeeda si nabad galyo ah kusii wadato .

“Waxaan xusi karaa in ONLF iyo dowladda Itoobiya isku afgarteen in ujeeddooyinkii iyo barnaamijkii siyaasiga ahaa iyo hadafkii ONLF ay si nabadgelyo ah iyadoo aanan waxbo ka baddalin u sii wadan karto” ayuu yiri afahayeenka ONLF” Ayuu yiri Cadaani.

Afhayeenka ONLF ayaa sheegay in heshiiska kadib ay suurto gal tahay in  dad xubno ka ahaa Ururka ONLF xilal looga magacaabo dowlada Federaalka iyo sidoo kale maamulka Soomaalida.

Dowlada Itoobiya ayaa horey heshiisyo ula gashay Jabahada OLF iyo Ginbood 7 , waxaana xubno sare oo kamid ahaa jabhadahaasi xilal sare looga magacaaba maamulada Oromiya iyo Amhaara.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -