Allbanaadir.com
NEWS

R/Wasaaraha Itoobiya oo ka dhoofay Muqdisho iyo Kheyre oo sii sagootiyay (Daawo Sawirada)

Waxaa garoonka garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka duushay diyaarada Ethopian Airline ay la socdaan Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed iyo wafdi wehlinayay.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa saakay soo gaaray magaalada Muqdisho waxa uuna kulamo saacado badan qaatay la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Madax kale oo dowlada katirsan.

Madaxda labada dhinac ayaa kawada hadlay arimo badan a ugu muhiimsanaayeen xoojinta xiriirka labada wadan ,  iskaashiga Ammaanka, dhaqaalaha ,la dagaalanka argagixisada, is dhex galka bulshada iyo isku furida socdaalka labada wadan.

Wafdiga Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo goordhaw ka dhoofay magaalada Muqdisho waxaa horey usii sagootiyay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya.

Booqashadan maanta ku yimid Muqdisho Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya ayaa noqoneysa tii ugu horeesay uu ku yimaado Soomaaliya, waxa ayna booqashadan qeyb ka tahay socdaalo uu ku tagayay Wadamada dariska la ah Itoobiya. 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Subax u xun Dagaal oogaha Geeska Afrika Abiy Axmed iyo Caalamka oo kahor-yimid

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo loo heysto Musuq & fadeexad soo shaac baxday

Caydiid Ali

Xiliga shacabka Afrika bilaabayaan iney Vise la’aan tagaan Itoobiya oo la shaaciyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---