Allbanaadir.com
NEWS

Askar reer Israel ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay Gaza

Iska caabinta marinka Qasa, ayaa maanta fuliyay howlgal gaar ah oo ay ku beegsadeen ciidanka Israa’iil, iyagoo dagaal fool-ka-fool ah la galay ciidanka Israa’iil

Waxay gudaha ugu galeen goob ay ku sugnaayeen, halkaasoo tobannaan askari oo Israa’iil dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay.

Weerarkan kaddib dagaalyahannada iska caabinta kama aysan tagin goobta, waxay sugeen inta ciidan kale oo gurmad ah ay u imaanayaa askarta Israa’iil, isla markii kooxda gurmadka ah ay goobta soo gaareen, mar kale dagaalyahannada iska caabinta ayaa weerarray, halkaasoo tiro kale ay ku dileen, kuna dhaawaceen

Sida ay werisay Al Jazeera oo xiganaysa raadiyaha ciidanka Israa’iil waxaa la xaqiijiyay dhimashada saddex askari oo Israa’iiliyiin ah iyo dhaawaca toddobo kale oo qaarkood dhaawacooda uu aad u culus yahay.

Related posts

Shiikh Aadan Madoobe & Wafdi uu horkacayo oo Garowe lagu soo dhoweeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Siyaasadda Xirig-Jiidka Soomaaliya iyo Horumarka Dhaqaalaha   

admin

Dukaanle Sabab Cajiib ah u gubay buugga deymaha ee macaamiishiisa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---