Tan iyo markii la aas-aasay xeryaha qaxootiga Dhadhaab sanadkii 1991, waxay hoy u noqotey in ku siman nus milyan qaxooti ah oo kasoo cararay colaadaha iyo rabshadaha ka jira dalalkooda, gaar ahaan Geeska Afrika. Xeryahaas oo ka kooban Afar xero: Dagahaley, Ifo, Ifo2 iyo Hagadera — ayaa muddo ku dhowaad 3 sano ah la tacaalayay culeysyo is biirsaday oo dhinaca nolosha iyo gargaarka ah.
Qaxootiga ku nool Dhadhaab waxay gebi ahaanba ku tiirsan yihiin gargaarka hay’adaha samafalka, kuwaas oo bixiya adeegyo aasaasi ah sida: biyo, raashin, iyo guno lacageed oo la yiraahdo Bamba Chakula lacag dhan 500 shilinka dalka ah (kenya) (qiyaastii $5) oo lagu taageero qoysaska qaxootiga.
Hoos-u-dhac ba’an oo ku yimid gargaarkii
Bishii Janaayo ee 2025, xaaladda xeryaha ayaa sii xumaatay kaddib markii hay’adaha gargaarka ay bilaabeen dhimista adeegyada muhiimka ah. Hay’adda Peace Winds Japan oo qaabilsan bixinta biyaha, ayaa sheegtay in aysan awoodin inay sii wado hawlihii biyo-gelinta, sababtuna tahay shidaal la’aan haysata taasoo keentay in qaar ka mid ah tuubooyinkii biyaha ay noqdaan kuwa la dayacay ama gabi ahaanba jabay.
Dhinaca kale, raashiinkii la siin jiray dadka qaxootiga ah ayaa isagana la dhimay, iyadoo hadda kaliya 40% laga helayo wixii hore loo siin jiray. Arrintaas ayaa sii xoojisay culeyska nololeed ee saaran dadka qaxootiga ah ee ku nool xeryaha.
Gunooyinkii Lacageed oo Hakad Galay
Gunada lacageed ee Bamba Chakula, oo ahayd badbaado kale oo muhiim u ahayd qoysaska, ayaan la bixin muddo labo bilood ah. Hay’adda WFP ayaa sheegtay in hakadkaasi uu la xiriiray dhaqaale xumo baahsan oo haysta hay’adda, taasoo ka dhalatay kaalmadii USAID ee Mareykanka oo istaagtay kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu markale xafiiska la wareegay horraantii sanadkan.
Xaalad Bini’aadantinimo oo Laga Cabsi Qabo
Iyadoo xeryaha Dhadhaab ay durba wajahayaan duruufo adag, waxaa la saadaalinayaa in haddii aan wax isbeddel ah lagu sameyn xaaladda jirta, ay xeryaha geli doonaan xaalad bini’aadantinimo oo degdeg ah. Qaxootiga ku nool xeryaha ayaa wajahaya hubin la’aan nololeed, gaajo, biyo la’aan, iyo walwal la xiriira mustaqbalkooda.
Hay’adaha gargaarka iyo beesha caalamka ayaa lagu boorrinayaa in ay si degdeg ah u soo farageliyaan xaaladdan si loo badbaadiyo nolosha dad aan waxba haysan, kana mid ah kuwa ugu nugul caalamka.
Wariye Hassan Mwalimu