Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa soo dhigay qoraal cusub bartiisa Truth, isagoo ku adkeysanaya in “xabbad joojinta Israel iyo Iran ay dhaqan gashay.
Trump ayaa qoray: “Israa’iil ma weerari doonto Iiran, dhammaan diyaaradaha waxa ay kusoo laaban doonaan wadankooda, iyagoo u gacan taagaya oo macasalaameynaya Iiraan.
“Qofna ma dhaawacmi doono, xabbad-joojintu waa hirgashay! Waad ku mahadsan tahay dareenkaaga arrintan!”
Trump ayaa dhawaan digniin u diray Israa’iil isagoo ku qoray bartiisa bulshada ee Truth. Wuxuu sheegay in aanay qaadin duqeyn.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa qoaraalkiisa ku yiri : “Israa’iil. Ha sameynin duqeyn, haddii aad samaysid waa xad-gudub weyn ” ayuu yiri Trump.
Digniintan ayaa daba socota xabbad joojin ay ku heshiiyeen Iran iyo Israa’iil, taasoo dhaqangashay subaxnimadii hore ee maanta. Heshiiska waxaa garwadeen ka ahaa Mareykanka iyo Qatar
Goor sii horeysay Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in gantaallo laga soo riday Iran.
Hase ahaatee Warbaahinta dowladda Iran ayaa ka jawaabtay eedeynta Israa’iil, waxayna sheegtay in Iran ay beenisay wararka sheegaya in ay gantaal ku ridday Israa’iil kaddib markii xabbad joojintu bilaabatay.