Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo loo heysto Musuq & fadeexad soo shaac baxday

Sida ay sheegayaan warar aan ka helnay ilo wareedyo muhiim ah oo lagu kalsoon yahay shaqaale ka tirsanaa Hay’adda duulista iyo Saadaasha Hawadda ayaa la ceyriyey, kuwaasoo muddo sanado ah si mutadawacnimo ah uga howlgalayey xarunta heyaddaas ee Magaalada Muqdisho.

Shaqaalahan oo dhowr iyo toban qof gaaraya ayaa la sheegay iney muddo dheer u soo dhabar adeygeen shaqada, ayna ku soo shaqeeyeen duruufo adag iyo xaalado qalafsan, halkii ay ka sugayeen in mushahar loo bilaabana shaqada laga saaray, iyagoo booskoodana lagu bedelay shaqaale kale.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay iney ka dambeeyeen Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada Soomaaliya  iyo Maareeyaha Hay’adda duulista & Saadaasha hawada Mohamed Abdullahi Salaad (Omaar) iyo  Yuusuf Abdi Abdulle (Jaalle), kuwaasoo Shaqaalaha ay ceyriyeen ku bedelay shaqaale kale oo ay wadaagaan heyb qabiil, iyadoo qaarkoodna laga keenay dibeda sida ay sheegeen qaarka mid ah howlwadeenada Wasaarada Duulista oo Magacooda ka gaabsaday.

Shaqaale kale oo ka tirsan Waaxda Duulista ayaa iyana sheegaya iney soo food saartay cabsi la xiriirta in shaqada laga saaro, halka qaar kalena loogu hanjabay iney waayi doonaan shaqadooda.

Falkan ay ku kaceen Wasiirka iyo Maareeyaha ayaa waxaa si weyn uga carooday masuuliyiinta kale ee Wasaarada Duulista iyadoo arintana ay si weyn u gilgishay xafiisyada Wasaaradda.

“In la ceyriyo shaqaale muddo dheer soo halgamayey, laguna soo bedelo kuwo qabiil iyo nin jecleysi lagu keenay waa talaabo ka baxsan qaanuunka dowliga ah, Xukuumada uu hogaamiyo Raisul wasaare Hassan Ali Khayre waxay balan-qaaday iney la dagaalamayso musuqa iyo Nin jecleysiga balse nasiib daro Wasiirada qaarkood halkii la doonayey iney musuqa la diriraan iyaga ayaaba ku kacaya” ayuu yiri Masuul ka tirsan Wasaaarada duulista oo magaciisa ka gaabsaday, wejigiisana caro badan ay ka muuqatay.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa la sheegay in lagu wargeliyey arintan si uu baaritaan ugu sameeyo falka ay ku kaceen labada Masuul ee lagu eedeynayo iney awoodii dowladnimo iyo masuuliyada Qaran ee lagu aminay u adeegsadeen iney dano qabiil uga faaiideystaan.

Mas’uuliyiin iyo xildhibaano ka war helay arintan ayaa la sheegay is hortaag ku sameeyeen shaqaalahii cusbaa ee liiskooda loo gudbiyey Guddiga Rayidka Shaqaalaha, Maalintii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay, iyagoo ku wargeliyey Guddiga in warqada ka socota Hay’adda duulista aysan aheyn mid ku saleysan cadaalad ee lagu soo xulay qaab Qabiil.

Madaxda sare ee dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale la sheegayaa iney gaartay fadeexadan ka taagan Wasaaradda Duulista  in kastoo aysan illaa hadda qaadin wax ka talaabo ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -