Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Ciro oo shaaciyey ha arrin oo xukuumadiisu ka go’an tahay

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa maanta  magaalada Hargeysa ka daah-furay Shirweynaha Qaran ee La Dagaalanka Maydhaanka Lacagaha Sharci darrada ah.

Madaxweynuhu, isaga oo ka duulaya Himilada la xidhiidha adkaynta Daah-furnaanta Maaliyadeed iyo la dagaallanka musuq-maasuqa iyo suurto-gelinta Somaliland leh suuqyo maaliyeed oo daahfuran oo la isku hallayn karo , waxa uu Munaasibadda ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysaya.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Xukuumaddiisa ka go’an tahay ilaalinta iyo kor-joogtaynta ku dhaqanka Nidaam Maaliyadeed oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah, isla markaana la jaanqaadi kara nidaamyada casriga ah ee dunida ka hirgalay, waxana uu yidhi:

“Dastuurka Somaliland ayaa na faraya ilaalinta ammaanka qaranka, iyo hirgelinta suuqa xorta ah, maalgashiga dibadda iyo gudaha, isla xisaabtanka, iyo daahfurnaanta. Sidaas awgeed, La dagaalanka maydhaanka lacagta iyo ka hortagga maalgelinta argagaxisadu waa waajib sharci ah.”

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddiisu ay xoogga saarayso horumarinta Tayada iyo Daah-furnaanta Maamulka Maaliyadda, xoojinta Hanti dhawrka iyo in la soo saari doono warbixinno joogto ah oo ka warramaya xaaladaha Maaliyadeed iyo heerka u hoggaansanaanta Shuruucda iyo Siyaasadaha maaliyadda.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaa uu sheegay in la dagaallanka Maydhaanka Lacagaha Sharci darrada ah iyo ka hortagga maalgelinta argagaxisadu uu yahay waajib saaran muwaadin kasta, hay’ad kasta iyo shirkad kasta oo reer Somaliland ah,

“Waa in aynnu dhammaanteen u hoggaansanno mabaadii’da daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka, isla markaana aynu hubinno in Nidaamkeenna Maaliyadeed uu ku dhisan yahay maamul wanaag kalsooni lagu qabi karo.” ayuu yiri Ciro

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in uu  Shirkan Qaran uu bilow muhiim ah u yahay dadaalka aynnu ummad ahaan doonayno in aynnu isu kaashanno sidii aynnu Nidaamkeenna Maaliyadeed uga ilaalin lahayn fal-dambiyeedka iyo hab-dhaqannada wax u dhimaya,

“Waxa aynnu ka filaynaa in ay ka soo baxdo natiijo sees fiican u noqota dadaal qaran oo aynu ku dhisayno nidaam maaliyadeed hufan, lana jaanqaadaya halbeegyada caalamiga ah ee maamulka maaliyadda ee casriga ah. Si aynu u xoojinno koboca iyo adkaysiga dhaqaale” ayuu yiri Ciro.

Related posts

Markab weyn oo xanibay isku socodkii Maraakiibta ee Kanaalka Suez (Sawirro)

Caydiid Ali

Militariga Sudan oo guulo ka gaaray dagaalka kooxda RSF

Caydiid Ali

Xilliga golaha shacabka codka Kalsoonida u qaadayaan R/Wasaare Xamse oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---