Faah Faahino kasoo baxaya dil loo geestay Mustaf Maxamed Farayare

Kooxo burcad hubeesan ayaa xalay Tuulada Nyanga oo ka tirsan Magaalada Cape Town ee Dalka Koonfur Afrika, waxa ay ku dileen muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa goob ganacsi .

Sida aan wararka ku helnay burcada hubeesan ayaa rasaas ku furay kuna dhax dilay dukaankiisa Mustaf Maxamed Farayare oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo dalkaasi u tagay in uu ka sameesto nolol iyo mustaqbal.

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray ciidamo katirsan booliiska dalka Koonfur Afrika kuwaa oo baaritaano ay sameeyeen ku guul dareesteen in ay soo qabtaan kooxdii burcada ahaa ee dilka geesatay oo goobta si deg deg ah uga baxsatay.

Dalka Koonfur Afrika waxaa kusii kordhaya weerarada hubeesan ee lagu beegsado ganacsatada Soomaaliyeed, waxaana mudooyinkii ugu dambeeyay qeybo kamid ah dalkaasi siyaabo kala duwan loogu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -