Caruus la dilay xili la joogay xaflada Arooskiisa iyo Farxadoo oo Murugo isku bedeshay !

Dhacdo argagax iyo murugo badan reebtay ayaa ka dhacday dalka Sudan, kadib markii nin caruus ahaa si lama filaan ah ugu geeriyooday goobtii ay ka socotay xaflada arooska iyo dabaaldega.

Warbaahinta dalka Sudan ayaa qortay in Ninka Caruuska ahaa ay ku dhacday Xabbad Wiifto oo ay Saaxiibadiisa kula dabaal degeen arooskiisa, waxaana markiiba goobta arooska ka socday isku bedeshay murugo.

Dhacdadaasi waxay habeenkii Jimcaha ka dhacday Xaafadda Al-Shacdiyaan ee Degmadda Al-daamar ee Gobalka Webiga Niil ee dalkaasi, waxaana caruuska oo markii hore dhaawacmay geeriyooday inta aan loo qaadin isbitaal.

Goobtii xaflada arooska ka socotay ayaana noqotay meel lagu kala cararay dadkii xaflada iyo farxada u joogayna isku badaleen kuwa ooynaya oo murugoonaya ,halka haweneyda aroosada aheyd iyana xaalad kale oo murugo leh gashay.

Dhinaca kale, Boliska Degmadda waxay soo rogeen Go’aan lagu mamnuucay in Munaasabadaha Arooska la rido Rasaasta Dabaaldega Aroosyada Qoysaska cusub ee la gelbinayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -