Allbanaadir.com
NEWS

Nabadoon Maxamed Cabdi Jeelle oo xalay gurigiisa lagu dhax dilay

Wararka ka imaanaya Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay Nabadoon Maxamed Cabdi Jeelle oo degmadaasi caan ka ahaa.

Sida aan Wararka ku helnay kooxo hubeesan ayaa xalay saqdii dhaxe nabadoonka gurigiisa ugu tagay, waxaana la sheegay in isla goobtaasi ku dileen Nabadoon Maxamed Cabdi jeelle.

Maamulka Degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaan wali ka hadlin dilkan argagaxa lahaa ee xalay Degmadaasi loogu geestay Nabadoonka caanka ka ahaa.

Ma jirto wali cid sheegatay masuuliyada dilka loo geestay Nabadoon Maxamed Cabdi jeelle, waxaan sidoo kale wali si rasmi ah loo ogeyn cida falkaasi dilka ah ka dambeysay.

Degmada Wanlaweyn ay maamulaan Ciidanka dowlada Soomaaliya ayaan inta badan looga baran dilalka nuucaan oo kala ah, waxa ayna tani cabsi badan ku beertay shacabka ku dhaqan Degmadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Qoor Qoor oo si weyn loogu soo dhaweeyay degmada Caabudwaaq (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Erdogan iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan Muhiim ah yeeshay

Cabdi Cade

Xubno ka tirsan Guddiga Dib-u heshiisiinta Galmudug oo la kulmay Waxgaradka Beesha Karanle (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---