Somaliland oo mar kale xabsiga dhigtay weriye C/maalik Muuse Coldoon

Ciidamada Booliska Somaliland ee magaalada Burco ayaa galabta mar kale xabsiga u taxaabay C/Malik Muuse Coldoon oo ah weriye samafale ah.

Booliska ayaa Coldoon ka watay xarun uu ku lahaa magaalada Burco ee gobolka Togdheer, iyadoo baraha bushada lagu baahiyey muuqaalo Muujinaya Coldoon oo Boolisku hareeraha ka socdaan loona sii wado jeelka.

Booliska Somaliland kama hadlin sababta ay u xireen Coldoon balse waxaa loo badinayaa in xarigiisa uu la xiriiro olole ka dhan ah Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa iyo dugsiga Abaarso oo mudooyinkan uu ku baahinayey baraha bulshada.

Coldoon ayaa ku doodayay in Xarunta Dhaqanka Hargeysa lagu soo marti qaado dad u ololeeya guurka dadka isku jinsiga ah xiliyada bandhiga buugaagta, sidookale dugsiga Abaarso ayuu ku haysta in dhaqamo anshax xumo ah lagu faafiyo.

Maamulka Somaliland ayaa si wayn uga hor yimid eedaha uu Coldoon u jeediyay  xarumaha kor ku xusan, sidoo kale madaxda Xarunta Dhaqanka, iyo qaar kamid ah abwaaniinta Somaliland, ayaa eedaymaha Coldoon ku tilmaamay kuwo been abuur ah oo aan cadeymo loo heynin.

Coldoon ayaa marar badan sidan oo kale xabsiyada Somaliland loo taxaabay ka dib markii hadalo uu jeediyey ay dhibsadeen madaxda Maamulkaas, iyadoo cafis madaxweyne dhowr jeer looga sii daayey xabsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -