Allbanaadir.com
NEWS

Duuliyeyaal halis geliyey nolosha 324 qof oo shaqada laga fariisiyey

Masuuliyiinta Guddiga sharciyaynta duulimaadyada ee dalka Hindiya ayaa shaqadii ka joojisay laba duuliye oo la sheegay inay ku dhex dagaalameen shirka ama qaybta hore ee dayaarada laga wado.

Duuliyayaashani oo kal ahaa nin iyo haweeney ayaa laga mamnuucay in muddo 5 sano ah ay diyaarad duuliyaan.

Shirkadda Jet Airways ayaa sheegtay in labada duuliye dagaalameen xilli ay diyaarada ku jirtay duulimaad ay ugu kala gooshaysay London iyo Mumbai bishan aanu ku guda jirno.

Dayaaradani oo ay saarnaayeen 324 rakaab ah ayaa iyada oo badqabta waxay ka dagtay magaaladda Mumbai.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu dhacay ka dib markii ninka uu dharbaaxay gabadha duuliyaha ah, iyadoo shaqo ka fariisintooda sabab looga dhigay inay halis galiyeen ammaanka duulimaadka.

Duuliyayaashani ayaa la sheegay inay ka tageen laba jeer shirka diyaarada laga wado iyadoo hawada ku jirto, waxaa sidaa laga soo xigtay agaasimaha waaxda duulimaadyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasiga Caanka ah Maxamed Yuusuf Xaaji oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

Cabdi Cade

War Deg Deg : Madaxweyne Farmaajo iyo Jawaari oo goordhaw Shir Jaraa’id wada qabtay

Cabdi Cade

Shaki laga muujiyay Xildhibaanimada Shiikh Shariif & khalqal soo wajahay !!

admin
Taboola Ads ---