Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya Qarax la rumeysan yahay inuu fuliyey qof is-miidaamiyey oo galabta casar gaabkii  ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Qofka is-qarxiyey ayaa la sheegay inuu beegsaday maqaayad ku taalla meel ku taalla agagaarka isgoyska, kuna dhow xarunta taliska ciidamada booliska gobolka Banaadir.

Ugu yaraan afar qof ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen qaraxan, halka dad ku dhow 10 ay ku dhaawacmeen sida ay allbanaadir Online u sheegeen ilo wareedyo kala duwan.

Aagga qaraxa uu ka dhacay ayaa ka mid ah goobaha sida aadka ah amnigooda loo sugo ee caasimadda, waxaana ka dhow xarunta sirdoonka Soomaaliya iyo sidoo kale tan booliska gobolka Banaadir.

Hay’adaha amniga Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxan oo masuuliyadiisa aysan cidina sheegan inkastoo weerarada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab oo dagaal kula jirta DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -