Allbanaadir.com
NEWS

Cristiano Ronaldo oo aqbalay Laba Sano Oo Xabsi Ah Iyo Bixinta Ganaax dhan 8.8 million euros

Ciyaaryahanka Caanka ah ee Hogaaminaya xulka Qaranka Purtaqiiska Cristiano Ronaldo ayaa aqbalay in uu galay dambi la xariira is daba marin dhinaca dhaqaalaha uu sameeyay afar mar intii uu joogay Spain.

Maxkamad kutaala dalka Spain ayaa baaritaano ku aadan wax is dabamarin xaga canshuuraha ah ku waday Xidiga kooxda Real Madrid Ronaldo, waxa uuna Ronaldo ugu dambeyn aqbalay in uu dambiga galay.

Ronaldo ayaa hadii dambigan lagu helo wajihi kara labo sano oo xarig ah iyo in uu bixiyo lacag ganaax ah oo gaareysa 8.8 million euros, waxa uuna hada ogolaaday Ronaldo in arintan laga wada hadlo xalna laga gaaro.

Xidigan ayaa sidoo kale Maxkamada ka codsaday in xukunka xabsiga ah loogu bedelo ganaaxa lacageed, waxaana la filayaa in dhawaan Maxkamada ay go’aan kasoo saarto kiiska Ronaldo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Danab oo ka farxiyey shacab ku nool degaano ka tirsan Sh/hoose (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliye Odawaa oo Shaaciyay khasaaraha Ciidanka DF iyo Al Shabaab ku kala gaaray Weerarkii Xawaadley

Cabdi Cade

Yaa Qaldan Madaxda Dowlada Dhaxe iyo kuwa Maamul Goboleedyadda ? (Runta halkan ka Ogow)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---