Allbanaadir.com
NEWS

Taliye Odawaa oo Shaaciyay khasaaraha Ciidanka DF iyo Al Shabaab ku kala gaaray Weerarkii Xawaadley

Waxaa saakay aroortii hore weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidanka milatariga Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Xawaadley waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidanka milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in weerarka ka dhacay saldhigga Xawaadley uga geeriyooday shan askari uu ku jiro Sargaal sare oo ciidankaasi taliye u ahaa.

Jeneraal Odawaa ayaa sheegay in dagaalkaasi ciidanka xoogga dalka Al Shabaab uga dileen 21-dagaalyahan, waxa uuna sheegay Jeneraal Odawaa in wali sii baacsanayaan dagaalyahanadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Weerarada qaraxyada ku bilowda ee Al Shabaab kusoo qaadaan xeryaha ciidanka xilliga salaada subax ayaa wali muuqata in milatariga Soomaaliya aysan cashar ka baran, waxaana weeraradan lagu dilaa askar badan sidoo kale lagu furtaa hub badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fanaan caan ah oo toogasho lagu dilay, xili uu ku sugnaa goob uu ka ciyaarayey (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo shaaciyay in uu socdo Afgembi xilka looga tuurayo

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Amniga sii xumaanaya ee Muqdisho baaqna u diray Shacabka

Cabdi Cade