Yaa Qaldan Madaxda Dowlada Dhaxe iyo kuwa Maamul Goboleedyadda ? (Runta halkan ka Ogow)

Go,aanka Madaxda Maamul Goboleedyada Dalka kasoo yeeray ee ahaa ineey Wadashaqeyntii Dowlada dhexe hakiyeen waxuu jahawareer siyaasadeed ka abuuray Dalka, waxaana siyaabo kala duwan uga hadlay Masuuliyiin iyaga xil ahaan ku xiga iyo kuwa iyaga ka sareeyo intaba .

Hadaba waxaan qoraalkaan ku koobi doonaa waxyaaba ugu muhiimsan ee doodu ka jirto iyo cida aan is leeyahay weey xagal daacisay hanaanka aan awooda badan iyo fahan guud ku taagneen ee Federaalka, waxaan u kala qaadi doonaa qalad iyo saxnaan intaan ka fahmay iyo sida aan is leeyahay waa ku wanaagsan tahay .

Halka dhibaatada ka jirta ama sartu ka qoruntay caqabada ugu weyna ka taagan tahay waa Dastuurka Dalka oo laba isku darsaday midi waa inuu dhameytirneyn dhaweyna dhameestirkiisa, midina waa in Cid kasta kaliya ka aqriso Qodobada danteeda tilmaamo ee aay fahan dhameestiran ka helin.

Dowlada Dhexe waa ineey ogolaataa Qodobada ku yaalo Dastuurka ee awooda siinaya Maamul Goboleedyada ama aay go,aan Baarlamaan ku badesho, qolyaha Maamul Goboleedyaduna waa ineey Baarlamaanadooda la tashtaan kana hadlaan kuwa Caqabada ku ah Maamulkooda kadiba aay kala hadlaan Xubnaha Baarlamaanka ee kasoo jeeda Maamulka ee ku jira Baarlamaanka Dowlada Dhexe.

  1. Siyaasada Arrimaha Dibada

Qodobada aay ku doodeen Madaxda Maamul Goboleedyada shirkii ugu danbeeyay ku yeeshay Kismaayo waxaa ka mid ahaa in Dowlada Dhexe aaysan kala tashan Siyaasada Dalka gaar ahaan tan Dibada, Dowlada Dhexe waxeey u madax banana tahay hagida Siyaasada Arrimaha Dibada iyado kala tashaneyso Maamul Goboleedyada, lakin taas micnaheedu maahin ineey la hagaan ama u raacan safarada Dibada ee kaliya waxaa lagu leeyahay Dowlada dhexe ineey u yeerto kala tashato mana ku qasbana kaliya ineey raacdo taldooda ee go,aan beey u leedahay taas ineey go,aankii aay la noqoto ka gaarto.

2-Siyaasada Ciidanka

Mida kale ee ah Taliyayaasha Ciidan ee la magacaabo iyadoon laga tashan waxeey caqabad ku noqotay howshii Ciidanka looga baahnaa waa sax in Dowlada dhexe leedahay Go,aanka iyo hagida Ciidanka, balse waxaa meesha taal iyana Ciidan uu sameystay Madaxweynaha Maamul Goboleedka ee asiga ka amar qaato, Mushaarkiisa uu bixiyo sidee loogu magacaaba taliya aan laga tashan Ciidankiisa?

Sidaas darted iyado aan la fiirineyn Xaquuqda Dowlada dhexe waa in laga tashtaa Maamu Goboleedka ama Dowlada Dhexe aay dhistaa Ciidan ka amar qaata oo aay Maamusho taasina hada ma muuqato maamulada qaar.

Mida kale waa Madaxweyna yaalo Baarlamaan soo doortay waa iskala qab weyn yihiin in la maamulo ciidankooda waana qeyb kamida faham xumida Federaalka ee na heysata.

  1. Arrimaha Kheyraadka

Hanaanka Federaalka Dunida waxuu qaba in kheyraadka Dalk aay maamusho Dowlada Dhexe iyadoo saami fiican laga siinaayo hadba maamulka dhukiisa laga helo, waxaase maamulkiisa sare leh Dowlada Dhexe, lakin hada dhibaatada jirta waxeey tahay Dowlada Dhexe weli awood uma lahan ineey Macdin ka qodo Puntland ama Beydhabo midood, marka waa lagu qasban yahay in lagala tashto .

  1. Arrimaha Faragalinta

Qaar kamida Madaxda Maamul Goboleedyada waxeey gali doonaan Doorasho bilaha soo aaden, waxeey qabaan cabsi ku aaden in Dowlada Dhexe saameyn ku yeelato sidaasna Xilkooda ku waayaan, waxey marka Dagaal badan ugu jiraan sideey kusoo laaban lahaayeen, midna ku darsoo qaar kamida Madaxda Maamul goboleedyada iskuma fiicna ku xigeenadooda.

Puntland

Maamul Gobleedka ugu faca weyn ee Puntland waxuu dhawaan gali doonaa Doorasho waxaana ku tartami doono Musharaxiin Xilal badan kazoo qabtay Dalka, waana tartan adag marka loo eego Waqtiga ay kusoo aaday iyo Dadka sharaxan, waxaa durba soo if baxay kadib shirkii Kismaayo khilaaf horayba u jiray oo u dhaxeeya Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa Cameey oo qaadacay go,aanada Madaxdiisu ku gaartay Kismaayo .

In kastuu saameyn badan laheyn Cameey oo deeganadiisa dagaalo ka jiraan hadane waa masuul cod ku yimid meesha oo aay Baarlamaanku doorteen, waxuu mr Gaas tuhunsan yahay in Dowlada dhexe ku xiran yahay sidaasna uu saameyn kaga sameysto Puntland.

Hirshabelle

Maamul Goboleedka Hirshabeele isna waxaa jira Mooshin ka yaalo Madaxweynaha waxaa khilaaf dhexyaala isaga iyo Guudlaawe Madaxweyne Xigeenkiisa oo durba ka hadlay kana horyimid goa,aanka Madaxdiisa sheekagana inuu la shaqeynaayo raacsan yahay Dowlada Dhexe.

Khilaafkaas waxaa laga yaaba inuu keeno in Maamulku burburo ama Jowhar iyo Baladweyne la kala fariisto waxeyna dhibaato ku tahay shacabka Maamulka degan oo horayba Shabaab u heystay degaano badan oo kamida sidoo kale aay go,day Wadadi isku xireysay Muqdisho iyo Maamulkaas, Waare waxuu marka ka cabsi qabaa in Dowlada dhexe saameynteeda ku taageerto in isaga kursiga laga tuuro isna halgan ayuu ugu jira heysahshada kursigiisa .

Galmudug

Maamul Goboleedka Galmudug waxuu waligiiba ka caban jiray Fara galin uu sheegay ineey ku heyso Dowlada dhexe xitaa maamulki ka horeeyay Xaaf waxaa khilaaf ba,an ka jiraa Gudaha Maamulka in kastoo Xaaf wax badan ka qabtay Xurguftii Gaalkacyo kala dhaxeysay Puntland hadane waxuu weli la daaladhacayaa kan Ahlu sunna iyo waliba Reer Cadaado oo iyana u arka in wax la duufiyay.

Maamulkaani Doorashada kuma soo dhawa waxaase isla jaan qaadi la isaga iyo Dowlada dhexe isaga iyo Qolyaha Ahlu suuna oo qaab ka duwan qaabka Maamulada kale loogu qasbay ineey Awooda u qeybsadaan.

Khilaafka kale ee saameyntiisa leh waa kan u dhaxeeya Madaxweyne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo meel ah iyo Madaxweyne Xaaf iyo mr Shaakir Raiul Wasaare Goboleedka kaliya ee Soomaaliya ka jira oo meel ah iyana waxeey leedahay saameyn aan odoros wanaagsan laheyn.

Koonfur Galbeed

Maamul Goboleedka Konfur Galbeed waxuu dhawaan galayaa Doorasho isagu maba lahan Madaxweyne ku xigeen, sidoo kale malahan qaab Siyaasad lala socon karo, Shariif kaliya ayaa  maamulayaayey Maamulkaas waxuuna hada gali doonaa Doorasho in badan la filaayey inuu kusoo laabto in kastoo aay jiraan cadaadisyo badan oo Gudaha ah haba u badnaadeen Beelaha dega Gobolka una tirade badan .

Shariif waa ninka ugu adag Siyaasad ahaan waxuu gadaal ka riixayaa inta badan Shirarka ka dhanka ah Dowlada dhexe waxuu aad u  tuhunsan yahay ineey saameyn badan ku yeelan doonto Doorashadiisa dowlada dhexe, waana Nin aad u galgal iyo dagaal badan marka la yimaado loolanka Siyaasada.

Jubaland

Maamulkaan waxaa hogaamiyo Axmed Islaan oo xoog ku qabsaday Maamulka lakin dib u qabtay Dib u heshiisn laguna caleemo saaray, waxaa horay Baarlamaankiisa u kala diray Baarlamaanka Federaalka lakin dheg jalaq uma siin oo sidiisi ayuu u shaqeeyaa.

Axmed Madoobe waxuu qaaday tilaabooyin aay ka carootay Dowlada dhexe oo aay ka mid yihiin inuu kasoo celiyay maamulkiisa Masuuliyiin Heer Federaal qaarkoodna aay ka dageen deegaano kale oo kamida Jubaland, waxuu aad u dhaliilaa Siyaasada Dowlada dhexe isna waxaa kusoo socoto Doorasho xili uu diiday xitaa in Musharaxiinta qaar ka degaan Kismaayo.

Gaban-gabo

Sida muuqata waxaa jira khilaaf aan abuureen jawi Doorasho qof iyo cod ah lagu galo sida lagu balansan yahay 2021, mar kasta waa muhiin la shaqeynta Madaxda Maamulada si looga guuro hanaankaan Siyaasadeed ee afartaan sano looguna guuro qof iyo Cod.

Waxaan is dhihi karnaa waxaa kaalintiisa gaabgiyay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisnta oo aay aheyd inuu abuuro jawi wada shaqeyn isu soo dhawaasho Maamulada gobolada, waana in la xoojiyaa dhinacaas.

Inta badan Madaxweynayaashu waxeey galayaan Doorasho aaysan ogeyn ineey soo laabanayaan, Madaxweyaha iyo Raisul wasaaruhu waa ineey kobta la gashan xiliga kooban ee u haray si aaysan u dhaamin uguna eed sheegan, waa in lagula dhaqamaa siyaasad degan intii laga shaqeyn lahaa Badalkooda ileen lama oga kan lagu badalaayo Siyaasadiise.

Qoraa: Abdisalan Jokar

Freelance Journalist and Political analyst

Email: jokarsom@gmail.com

Facebook Acc: Abdisalam Jokar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -