Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo ka farxiyey shacab ku nool degaano ka tirsan Sh/hoose (Sawirro)

Ciidanka Kumandoska Somalia ee Danab ayaa raashiin deeq ah u qeybiyey shacab ku nool degaano ka tirsan Sh/hoose.

Degaanada Sabiib, Caanoole iyo meelo kale oo dhowaan ciidamada Danab ay ka saareen Al-Shabaab ayaa ka mid ah meelaha laga qeybiyey deeqdan.

Raashinka la qeybiyey oo isugu jiray digir, Bariis iyo waxyaabo kale ayaa waxaa dul qornaa astaanta ciidanka Danab, iyadoo deeqdan oo aan looga baran ciidamada dowlada ay aad u soo dhoweeyeen shacabka ku nool degaanada la gaarsiiyey, waxaana qeybinta raashinkan ka qeyb qaadanayey taliyaha ciidanka kumandoska ee DANAB.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriye caan ah oo caawa shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus

Caydiid Ali

Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxtooyada Turkiga iyo Madaafiic loo riday (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Abiy oo Hanjabaad culus kasoo diray jiida hore ee dagaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---