Musharax Shaaciyay Sababta keentay in Daalibaan la wareegto talada Afganistan

Maraykanka iyo xulafadiiisa waxaa Afgaanistaan uga baxay in ku dhow labo tiliryoon oo hanti ah, waxaa uga dhintay kummanaan askar iyo shaqaale rayid ah, iyo dhaawac intaas ka badan.
 
Afgaanistaan waa dal ay ku lug lahaayeen quwadaha dunida ugu awoodda badan. Maraykan iyo xulafadiisa galbeedka, Shiinaha, Ruushka, Pakistaan, Iiraan, Hindiya iyo Turki.
 
Waxaa la oran karaa khasaaraha naf iyo hanti ee Maraykanka iyo xulafadiisa ugu kacday joogitaankooda Afgaanistaan iyo loolanka jofqraafi siyaasadeed (Geopoliticals), waxaa ka mid ah sababa uu Maraykanka iyo xulafadiisaba uga baxeen dalkaas .
 
Laakiin sababka ugu wayn ayaa laguu sheegay in uu yahay fashilka siyaasiyiinta iyo hoggaankii dalkaas soo maray ku dhacay. Waxey noqdeen dad danaysi, eex, musuqmaasuq, takrifal, tanaasul la’aan, aragti gaabni iyo awood marooqsi ku sifoobay. Taasi waxay sababtay in adduunku quus ka istaago dhaqanka iyo caadada siyaasiyiinta Afgaanistaan, la isagana dhexbaxo.
 
Ummad kasta oo aan si dhab ah u wajihin caqabadaha ku hor gudban dowlad dhiska, runta iskaga sheegin xaaladda ay ku sugan tahay, waxay mari doontaa waddada Afgaanistaan. Soomaaliya kuwaas kama foga.
 
Galbeedka markii ay ku guuleysteen dagaalkii qaboobaa waxay noqdeen awoodda keli ah ee dunida ka talisa. Waxay diideen in awood kale soo baxdo. Halista ugu wayn waxay ahayd xoogagga Islaamiyiinta, laakiin maanta waxay isku raacsan yihiin in Shiinaha uu yahay halista ugu wayn ee hortaagan.
 
Shiinaha iyadoo Pakistaan dhexmaraysa ayey xiriir dhow la lahayd Taalibaan. Pakistaana iyadaa sidaa ku ilaalinaysay. Waxay maalgashi xoog leh gelisay Koonfurta iyo Bartamaha Aasiya ,halka uu Maraykanku ku mashquulsanaa amniga iyo la dagaalanka argagexisada. Maanta Shiinaha awoodaha kale ee gobolka ayaa amniga iyo argagexisada gobolka looga siibtay.
 
Waxaa jirta dood kale oo weligeed Galbeedka ka dhex aloosnayd oo ahayd Islaamiyiinta ha loo daayo xukunka iyagaa la lumi doonee, iyo hallaga ilaaaliyo. Doodda danbe ayaa xoog badnayd. Duruufo is biirsaday ayaa keenay in Taalibaan talada loo daayo.
 
Tijaabada hortaalla ayaa ah ma ku guulaystay doonaan dhismaha dowlad reer Afgaan wada deeqda, nabad, horumar iyo mustaqbal wanaagsan u horseedda, mise waxay ku mashquuli doonaan foodda hablaha iyo shineemooyin la xiro.
 
Waa jawaab maalmaha soo socda la arki doono, aniguse aad ugama rajo weyni Taalibaan iyo kuwa la halmaala
W/Q Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -