Taalibaan oo Goordhaw si buuxda ula Wareegtay Madaxtooyada Afgaanistan

Kooxda Daalibaan ayaa goordhaw si nabad gelyo ah ula wareegtay madaxtooyada Dalka Afgaanistan ee kutaala Kabul, kadib markii halkaasi isaga baxeen Madaxweynihii iyo masuuliyiintii kale ee ku sugnaa.

Dagaalyahano katirsan kooxda Daalibaan ayaa gudaha u galay qasriga Madaxtooyada ee Afgaanistan, waxaana la sheegay in halkaasi gaareen saraakiil iyo masuuliyiin kale oo katirsan kooxda Daalibaan ee awooda kula wareegtay talada dalka Afgaanistan.

Afhayeenka kooxda Daalibaan, Zabihullaahi Mujaahid ayaa goordhaw sheegay inay Madaxdooda ka heleen Codsi ay ku geli karaan magaalladda Kabul, waxa uuna cadeeyay in ciidamada Daalibaan sugayaan amaanka Madaxtooyada.

Madaxweynaha dalka Afgaanistan Ashraf Qaani ayaa la filayay in si nabad gelyo xilka ugu wareejiyo kooxda Daalibaan, hasa ahaatee xili ay socdeen wadahadalo ayaa Madaxweyne Ashraf iyo xubnihii ku dhaw dhawaa isaga baxeen magaalada Kabul.

Madaxa Golaha Dib-u-heshiisiinta Qaranka Afganistan, Cabdalla Cabdalla ayaa horey uga codsaday Daalibaan in aysan magaalada soo gelin inta ay wadahadalada socdaan, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay dowlada awoodeeda la wiiqay ee Afgaanistaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -