War Deg Deg Ah: Taabit oo caawa loo doortay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Dabaal deg socda (Sawirro)

Waxaa caawa kulan deg deg ah oo ka dhacay xarunta Dowlada Hoose ee Xamar loogu doortay mudo labo sano ah in uu noqdo Gudoomiyaha  Banaadir State Taabit Cabdi Maxamed oo horey xilkan ugu magacawnaa

Kulankan waxaa kasoo qeyb galay Maamulada 17-ka degmo ee gobolka Banaadir ,waxa ayna  qaab gacan taag ah Taabit ugu doortay in uu noqdo mudo labo sano ah Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa xusid mudan goobta doorashada ka dhacday in uusan ku sugneyn Taabit xiliga la dooranayay , waxaana goobtaasi joogay gudoomiye kuxigeenka Arimaha Bulshada, kaa oo ka dalbaday Koonsalka gobolka in qaab gacan taag ah Taabit ugu doortaan Gudoomiye.

Mid kamid ah Xubnihii Kulanka ka qeyb galay oo  la hadlay Allbanaadir ayaa sheegay in caawa la isugu yeeray xarunta gobolka, waxa uuna xusay in markii xarunta tageen laga qaaday telfoonada kadibna lagu amray in  qaab gacan taag ah ku doortaan Taabit.

”Xarunta markaan tagnay anaga oon wax ajando ah la socon ayaa noola sheegay in aan nahay Xildhibaanada Banaadir State, waxaa noo yimid Gudoomiye Erig waxa uuna naga qaaday telfoonada waxa uuna kadib naga codsaday in Taabit gacan taag labo sano ku doorano, ma jirin wax cod la tiriyay sawiro ayaa nalaga qaaday kadibna dabaal deg ayaa xarunta ka bilowday ” Ayuu yiri Mid kamid ah xubnihii Taabit doortay.

Waxaa hada xarunta gobolka Banaadir ka socda dabaal deg iyo fantasyo lagu soo dhaweenayo doorashada soo boodada ah ee caawa halkaasi ka dhacday, waxaana xaruntaasi ku sugan taageerayaasha Duqa Muqdidsho oo meelo badan ka kala yimid.

Tilaabadan ayaa u muuqata foodo siyaasadeed oo soo korortay, waxaana xarunta gobolka sidoo kale caawa ku sugan Xildhibaano iyo Siyaasiyiin badan oo dowlada Mucaarad ku ah kuwaa oo garab u muujinaya Taabit oo hada xaaladu ku xun tahay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

171 qof

- Advertisement -