Goob lagu baakimo Gadiidka Xamuulka ka qaada Dekadda oo Muqdisho laga dhisayo (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa furay mashruuc lagu dhisaayay goob loogu talagalay in gaadiidka xamuulka ah ee dekada Muqdisho ka howlgala lagu baakimo si loo yareeyo mashquulka xoogan ee ka jira isku socodka wadooyinka Caadimadda.
 
Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Filish oo Warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in dhismaha goobtan ay tahay mid muhiim u ah xal u helida gaadiidka xamuulka ah ee inta badan mashquulka ka dhiga Wadooyinka Caasimada.
 
Gaadiidka xamuulka qaada ee inta badan rarka kasoo qaada dekadda magaalada Muqdisho ayaa ciriiri ka dhiga wadooyinka caasimada gaar ahaan hareeraha lamaiga hor mara dekadda Muqdisho oo la dhigo.
 
Goobtan loo dhisayo gaadiidka xamuulka kasoo qaada dekadda magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in wax badan ka tarto saxmada ka jirta wadooyinka caasimada , waxaana gaadiidkan cabasho badan oo laga gudbiyay keentay in goobtan loo dhiso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -