Madaxweyne Qoor Qoor oo xaalku ku xun yahay iyo kulamo Xasaasi ah oo socda

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya Madaxtooyada Soomaaliya iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Farmaajo.

Qoor Qoor oo laga sugayay in uu soo saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare ku tartameysa ayey ku adkaatay ilaa hada in uu soo saaro liiska, waxa uuna wajahayaa caqabado adag oo uga imaanayaa Madaxtooyada iyo Siyaasiyiin saameyn ku leh Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa markii hore damacsanaa in uu soo saaro liiska musharaxiin uu si gaar ah u wato balse cadaadis xoogan oo dhinacyo kala duwan uga yimid ayuu ku qasbanaaday in uu dib u dhigo shaacinta musharaxiintaasi.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa xalay kulan xasaasi ah la qaatay kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxa uuna labadan masuul kala hadlay sida uga macquulsan ee looga gudbi karo caqabadaha taagan.

Qoor Qoor ayaana u sheegay Cali Ciid iyo Gacal in dhibaatada ka taagan tahay kuraasta uu doonayo in loo xiro musharaxiinta Aqalka Sare ay kala wataan mucaaradka iyo Villa Soomaaliya , waxa uuna tilmaamay in hada xaalku ku xun yahay kuna wareeray sida wax la yeelayo.

Madaxweyne Qoor Qoor , kuxigeenkiisa iyo Gudoomiye Gacal ayaa isla gartay in dib u dhigo soo saarista liiska musharaxiinta Aqalka Sare gaar ahaan kuwa muranka ka jiro ilaa xaalada ka degeyso qaab siyaasadeedna loogu xalinayo caqabadaha taagan.

Baarlamaanka dowlad Goboleedka Glamudug ayaa sidoo kale caqabad ku ah qorshaha uu wato Qoor Qoor ee Musharaxiin gaar ah loogu xirayo kuraasta Aqalka Sare, Xildhibaanada ayaana doonaya doorasho furan si ay macaash badan uga helaan.

Madaxtooyada Galmudug ayaana waxaa ka jira mashquul badan iyo shirar aan kala joogsi laheyn oo diirada lagu saarayo sidii loo guda gali lahaa doorashada Aqalka Sare oo lagu wado in Dhuusomareeb ka dhacdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -