Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Deni oo Odayaasha degmada Qardho kala hadlay qodob Muhiim ah (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Nabadoonada iyo waxgaradka gobolka Karkaar, Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda ka dhalatay fatahaadii ka dhacday Qardho.

Nabadoonada iyo Waxgaradka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay sida ay Dowladdu uga jawaabtay illaa iyo haddana u maareynayso xaaladda dhacday, iyo imaanshaha Madaxweynaha ee Qardho.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabddullaahi Deni, ayaa la wadaagay Waxgaradka iyo Odeyaasha dhaqanka in Dowladda ay ka go’antahay sidii xal waara looga gaari lahaa togagga iyo meelaha kale ee fududeynaya in Biyahu soo galaan magaaladda.

Dowladda ayaa goor horeba bilowday qorshe loogu gurmanayo degmada Qardho, si wax loo gaarsiiyo dadkii uu noloshooda saameeyay daadkii iyo fatahaadii ka dhacday Qardho, waxaana uu hadda maraya qorshahaasi meel wanaagsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Soomaali ah oo muddo 16-sanno si qalad ah ugu xirnaa Ireland oo Magdhaw dalbanaya

Cabdi Cade

Labo nin oo Soomaali ah oo loo maxkamadeenayo Afduubka Wariye Caan ahaa

Cabdi Cade

Madaxweyne Laftagareen oo wareegto ku Magacaabay la taliye cusub (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---