Dowlada oo Ciidamo Dheeraad ah oo suga amaanka geeysay Deegaanka Ceel Dheere (Sawirro)

Taliska ciidanka milatariga Soomaaliya gaar ahaan qaybta 21-aad ayaa ciidamo dheeraad ah geeyay deegaanka Ceeldheere ee kuyaala Duleedka magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidanka dowlada geesay deegaanka Ceeldheere ayaa loogu tala galay in ay ilaaliyaan amaanka magaalada Dhuusomareeb oo doorashooyin ka dhacayaan sidoo kale xaqiijiyaan amaanka wadooyinka isku xira Guriceel iyo Dhuusomareeb.

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa kormeer ugu tagay ciidankan cusub ee la geeyay deegaanka Ceeldheere, waxa ayna saraakiishan kula dar daarmeen in ay feejignaadaan kana soo baxaan howsha loo igmaday.

Deegaanka Ceeldheere ee kuyaala duleedka Dhuusomareeb ayaa marar badan waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidanka milatariga Soomaaliya iyo kuwa Al Shabaab, waxaana deegaankan dhoor mar horey u tagay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -