Midowga Musharaxiinta oo ka hadlay Khilaafka Farmaajo iyo Rooble & Doorashadii Afisiyooni

Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaraadka oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay uga hadleen khilaafka soo kala dhax galay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble iyo doorashadii ka dhacday Afisiyooni.

Ridwaan Xirsi Maxamed, oo katirsan golaha midowga Musharaxiinta oo la hadlay Idaacada BBC ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo Rooble ay tahay mid muuqata oo banaanka yimid.

Waxa uu sheegay Musharax Ridwaan in hadda loo baahan yahay in si taxadar leh loo eego wixii dib u dhac u keeni kara hannaanka doorashada dalka iyo in awoodda aysan cidina u isticmaalin si ku tagrifal ah.

Ra’isul Wasaare kuxigeenkii hore ee Soomaaliya Ridwaan Xirsi Maxamed, ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta mucaaradka ay soo saari doonaan go’aankooda ugu dambeeya ee khilaafka soo kala dhax galay Farmaajo iyo Roob le.

Dhinaca Kale Midowga Musharaxiinta mucaaradka ayaa kulankooda ku sheegay in xukuumadda ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay si aan wanaagsaneyn u maaraysay khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi.

Khilaafka soo kala dhax galay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa abuuray walaac cusub oo laga cabsi qabo in saameyn ku yeelatao doorashada Soomaaliya oo hada ka bilaabatay qaar kamid ah maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -