Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo kordhay howlgalka ciidan ee ka socda Hiiraan?

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  iyo kuwa deegaanka ayaa sii wada howlgall ballaaran oo ka socda Bariga gobolka Hiiraan, kaasoo ka dhan ah kooxda  alshabaab.

Howlgalkaan oo xooggiisa laga fuliyay deegaanka Beera Yabaal,  ayaa lagu dilay 16 xubnood oo ka tirsanaa al shabaab, iyadoo ciidamada ay gacanta ku dhigeen degaano muhiim ah oo ay ka mid yihiin: BeeraYabaal, Buur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan iyo Cadoow Gureey

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan wakiilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha ciidanka degaanka Cali Jeeyte Cismaan iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS Col. Cabdullaahi Cumar.

Ujeeddada howlgalka ayaa ah in guud ahaan dalka laga saaro al shabaab, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dadka ku nool dalka sida ay sheegeen saraakiisha amaanka.

Dhanka kale Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono ilaa deegaannada oo dhan laga ciribtiro wax ay ugu yeereen kooxaha nabad-diidka ah.

Related posts

Saraakiil Ciidan oo ka biyo diiday in ay qeyb ka noqdaan Weerarka lagu qaaday Guriceel

Cabdi Cade

Garsoorayaal ku baaqay in Doorashada Madaxweynaha Puntland laga reebo C/Wali Gaas

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay in uu qabsan doono dalal ay Canada ku jirto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---