Somalia oo mar kale loogu deeqay talaalka Astra-Zenece ee ka hortaga COVID-19 (Sawirro)

Dowladda Faransiiska ayaa Soomaliya ugu deeqday 108,000. oo ah talaalka Oxford/AstraZenece ee looga hortago caabuqa Covid19,

Talaalkan oo maanta soo gaaray Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho ayey Dowladda Faransiisku soo marisay xarunta “COVAX,UNICEF,CEPI & Gavi”.

Safiirka Dowladda Faransiiska u fadhiya Soomaaliya mudane Kuster Menager ayaa sheegay in deeqdan dowladiisu ugu talo gashay iney shacabka Soomaaliyeed gacan kaga siiso ka hortaga COVID-19.

“Dowladda Faransiiska, Midawga Yurub iyo xarunta iskaashiga ee COVAX waxay diyaar u yihiin in ay gacan wayn ka gaystaan sidii loo xoojin lahaa dadaallada kor uqaadida helida tallaalka Soomaaliya, si hawl-wadeenada safka hore kaga jira la dagaalanka caabuqa Covid-19 uga badbaadaan iyo dhamaan shacabka soomaaliyeed“ ayuu yiri danjiraha.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Soomaliya Dr. Fawziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in imaatinka tallaalkani kusoo aaday xili uu sii kordhayo wejiga saddexaad ee xaalada fiditaanka Covid19 iyadoo xustay in sida qura ee looga hor tegi karaa tahay dadweynuhu inay qaataal tallaaalka,  wasiirka ayaa xusay in Illaa iyo hadda tiro lagu qiyaasay 186,094 qof oo ku nool Soomaaliya ay qaateen talaalkoodii kowaad halka 92,792 ay qaateen talaalkoodii labaad, iyadoo u mahad celisay dowlada Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -