Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali falal Argagaxiso looga shakisan yahay oo la horgeeyay Maxkamad kutaala Nairobi

Ciidamada amaanka dalka Kenya ayaa labo maalin kahor magaalada Nairobi waxa ay ku xireen shan qof oo sadex kamid ah yihiin Soomaali ,kuwaa oo looga shakisan yahay in ay abaabulayeen weerar argagaxiso.

Maxkamad kutaala magaalada Nairobi ayaa lasoo taagay shantan qof ee xireen laamaha amaanka Kenya, waxaana dadkan maxkamada la geeyay sadex kamid ah yihiin rag halka labo kalana yihiin Dumar.

Maxkamada la horgeeyay dadkan la tuhunsan yahay ayaa u ogolaatay laamaha dambi baarista Kenya in 15-maalmood xabsiga lagu sii hayo si loogu sameeyo baaritaano dheeraad ah.

Shanta qof ee Maxkamada la horgeeyay ayaa sadex kamid ah waxa ay yihiin Soomaaliya kuwaa oo lagu magacaabo Mohamed Hassan Bario,Hodan Abdi Ismail, Ifrah Mohammed Abshir , labada qof kale ayaa mid kamid ah heestaa Dhalashada Mareykanka halka kan kalana uu yahay Darawl Kenyan ah.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in shantan qof ee la qabtay ay wateen lacago kale duwan, darees, computer-ka laptop ah iyo waliba kaarka ay isticmaallaan ilaalada safaaradda Maraykanka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanado katirsan Baarlamaanka Galmudug oo Xilka ka qaaday Xareed Cali Xareed

Cabdi Cade

Faah Faahino kasoo baxaya Odayaal qaraabo ahaa oo maanta lagu dilay Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Deg deg usoo dhaweeyay Qaraarkii ay meel mariyeen Golaha Shacabka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---