Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Haweeney si adag ula hadashay Wasiirk katirsan Dowlada Turkiga oo Xabsiga loo taxaabay

Haweeney u dhalatay dalka Turkiga ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay si adag ula hadashay Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha ee dalka Turkiga oo ku sugnaa dhulka keymaha ku gubanayo ee Gobalka Moglu.
 
Wasiirka Beeralaha iyo Keyumaha Turkiga Bekir Pakdemirli , ayaa kormeer u tagay dhulka keymaha ku gubanayo si xaalada ula socdo, waxa uuna Wasiirka la kulmay haweeney kamid ah dadka deegaanka oo ka carootay in dowlada ku guul dareesatay daminta dabka.
 
Haweeneydan oo caro badan wajigeeda ka muuqday ayaa si adag ula hadashay Wasiirka , waxa ayna ku dhawaaqeysay” Meel kasta wey Ololaysaa, Aaway Helikoptaradii ?, Xaggeed Joogtaa?, Hoogay!, Waxaan codsanaynaa inay Dowladda Is-casisho !!!?”.
Wasiirka Beeraha iyo Kaymaha ee dalkaasi, Bekir Pakdemirli waxa uu isagoo xanaaq laga dareemayo ayuu ugu jawaabay: “Halkan ayaan joognaa”, kadibna, si halhaleel ah ayuu kaga tegay goobtii.
 
Warbaahinta Turkiga ayaana ku waramay in ciidamada amaanka dalkaasi si deg deg ah xabsiga ugu taxaabeen haweeneyda sida adag ula hadashay wasiirka beeraha Turkiga xili uu kormeerayay dhulka keymaha ee gubanaya.
 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaalka Farmaajo & Rooble oo Maraya meel halis ah & shirqool ka bilowday Muqdisho

Caydiid Ali

Maxkamad Al-Shabaab ku laheyd gobolka Sh/hoose oo la burburiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaano iyo Masuuliyiin tagay Deegaanka Jicibow ee Dagaalka culus ka dhacay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---