Xildhibaano iyo Masuuliyiin tagay Deegaanka Jicibow ee Dagaalka culus ka dhacay (Sawirro)

Waxaa  deegaanka Jicibow oo qiyaastii 30-km u jira magaaladda Buulaburde ee gobolka Hiiraan, maanta gaaray xildhibaano katirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin iyana katirsan maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada gaaray deegaanka Jicobow oo kala ah Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu iyo Xildhibaan Maxamed Cabdiuqaadir, ayaa sidoo kale waxaa wehliyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo saraakiil ciidan.

Masuuliyiintan ayaa deegaanka u gaaray sidii ay garab istaag iyo taageero ugu muujin lahaayeen ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa deegaanka oo shalay deegaankaasi Al Shabaab kula galay dagaal dhiig badan ku daatay.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in deegaanka Jicibow ee duleedka Buulaburde shalay lagu dilay ku dhawaad labo boqol oo katirsan Al Shabaab sidoo kale wali lagu hareereesan yahay xubno ku jira buur deegaankaasi ku taalla.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -