Orodyahanno Olombikadii Tokyo Kusoo Bandhigay Soomaalinimo Cajiib Leh!

Dhacdo cajiib leh oo daawadayaashii orodada Olombikada Tokyo 2020 ee marathonkii 42 kiilomitir ee Sebtigii August 7, 2021 garanwaayeen wax ay ku fasiraan ayaa dhacday markii Cabdi Negeeye oo u tartamayey Holland (Netherlands) uu siigada ku reebay Lawrence Cherono oo u tartamayey Kenya una gacan haatiyey Bashiir Cabdi oo ku tartamayey magaca dalka Belgian si uu ugu hubsado guusha.

Walaalaha Soomaaliyeed, Negeeye iyo Bashiir ayaa kala qaateen billadaha qalin (silver) iyo nexaas (bronze). Orodyahan Bashiir ayaa kaga raayey Cherono 50kii mitir ee ugu dambeyey kaddib markii uu la jaanqaadi waaeyey xawligiisa, taas oo u diiday ciyaartoyda Kenya inay isla qaataan labo biladood. Halyeyada Soomaaliyeed midkoodna hore uguma guuleysan billadda Olombikada.

Sidoo kale, waxaa cajiib lahayd in Maxamed Axmed uu Jimcihii August 6, 2021 ku guuleystay biladiisii 1aad oo qalin ah (silver) ee orodka olombikada Tokyo 2020. Halyeyga oo ah Somali – Canadian kana galay booska 4aad tartankii 2016 ee “Rio Olympics” ayaa abaalmarintiisa tahay tii ugu horreysay ee uu dalka Canada ka helo orodada ragga ee 5000 mitir.

Orodyaha Maxamed oo sidii diyaarad oo kale u dheereynaya ayaa siigada ku reebay Nicholas Kimeli ee dalka Kenya iyo Paul Chelimo ee dalka Mareykanka ilaa uu sigo Joshua Cheptegei oo u dhashay dalka Uganada heystana rikoodhka adduunka ee orodada 5ta kun mitir.

Xagaagii 2020 ayuu Maxamed masaafada 5000 mitir ee Waqooyiga Mareykanaka dib ugu xariiqay (dejiyay) rikood cusub kaddib markii uu tartankii Portland ku rooray xawaare dhan 12:47:20.

Toddobaadkii hore ayuu Maxamed waxuu tartankii 10 kun mitir ee Tokyo Olombik ka galay doorka lixaad, lamana filayn inuu dib uga soo kabsan doono niyad jabkaas.

Ma laga yaabaa in siyaasiyiinta mucaardka ah ee Soomaaliyeed ay isku gacan haatiyaan si loo helo hoggaan raali laga wada yahay, dalkuna uga baxo darandooriga shisheeyuhu ku hayo? Taasi malaha waa su’aal da’weyn!

Ka soo muuqashadii taariikhiga ahayd ee Ramla Cali ciyaarta feerka dumarka ee Olombikada Tokyo 2020 ayaa iyana ahayd mid kor u dhigtay sharafta iyo haybada isirka Soomaaliyeed, inkastoo ay isku soo aadeen Claudia Nechita oo ka khibrad badneed.

Dadweynaha Kenya oo iskugu soo uruuray agagaarka telefishinada si ay u daawadaan oradada Tokyo Olombik 2020 ayaa waxaa ka yaabiyey barbaarta Soomaaliyeed ee ku soo baxay si lama filaan ah wiilashoodii billadaha xaabsan jiray.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaartoyda Soomaaliyeed ee Olombikada Tokyo ee 2020 ka qaybgashay waxay dunida u soo bandhigtay in Soomaaliya ay dib u soo laabatay.

W/Q Jaylani Qaasim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -