Xil ka qaadis lagu sameenayo Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo …

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa si weyn u hadal haya xil ka qaadis laga yaabo in dhawaan lagu sameeyo inta badan Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka banaadir oo u muuqda kuwa ku fasjilmay shaqadii loo igmaday.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdiraxmaan Yariisow ayaa bilaabay in isbadalo ku sameeyo agaasimayaasha waaxaha gobolka Banaadir, waxaana dhawaan la filayaa in sidoo kale isbadal ku sameeyo Gudoomiyaasha Degmooyinka.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa intooda badan la dhacsaneyn qaabka ay hada u shaqeeyaan Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir oo markii hore aan lagu soo xulin aqoon iyo waayo aragnimo balse lagu keenaay saaxiibtinimo.

Xarumaha Degmooyinka gobolka Banaadir ayaa markii aad tagto waxada arkeysaa in aysan ka socon shaqooyin muuqda, Gudoomiyaasha oo niyad jab uu hayo ayaa inta badan soo xaadirin xarumaha Degmooyinka.

Gudoomiyaha gobolka Banadair ayaa shacabka gobolka ugu baaqeen in in isbadal deg deg ah ku sameeyo maamulada Degmooyinka gobolka Banaadir, si shaqooyinka iyo horumarka gobolka dar dar loo galiyo.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in uu inta badan xilka ka qaado Gudoomiyaasha Degmooyinka gobolka Banaadir uuna soo magacaabo Gudoomiyaal cusub oo lagu soo xulayo aqoon iyo khibrad shaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -