Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo guddoomay casuumad rasmi ah uu ka helay Uhuru Kenyatta (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibedda ee dalka Kenya Raychelle Omamo oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ay wadaan Labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya, kuwaa soo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale cadeysay in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxda dowlada oo la sheegay in ay wadaan Caburin iyo Handadaad joogto ah !!

admin

Guri Weyn uu lahaa Madaxweyne Joseph Kabila oo la gubay

admin

Askarigii dilay George Floyd oo lagu sii deynayo lacag badan oo Damaanad ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---