Allbanaadir.com
NEWS

Askar Itoobiyaan ah oo isku dishay gudaha Soomaaliya iyo Sababta oo la ogaaday

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi isku dileen labo askari oo katirsan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in labadan askari gudaha magaalada isku dileen kadib khilaaf soo kala dhax galay, waxaana wararku sheegaayaan in sababta ay isku dileen labada askari ay salka ku heyso colaada ka aloosan gobolkaTigrey.

Labada askari ee is dishay ayaa kasoo kala jeeda qowmiyadaha Tigrey iyo Amxaaro oo hada colaad u dhaxeyso, waxa ayna labadan askari kawada howlgalayeen xeri kutaala gudaha Baardheere.

Askar kale oo Itoobiyaan ah ayaa sababo la xiriira colaada ka aloosan gobolka Tigrey horey isugu dilay gudaha Soomaaliya gaar ahaan  Baydhabo, waxaana hada muuqaneysa in colaada ka aloosan gudaha Itoobiya saameysay ciidanka Itoobiya ee jooga Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dalka marti-gelinaya kulanka labaad ee Trump & Kim John un oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Xukun lagu riday Xubno katirsan Al Shabaab oo la qabtay iyaga oo dhaawac ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada DF oo xukun adag ku riday Maxamed Aadan Gaduudow

Caydiid Ali
Taboola Ads ---