Xukun lagu riday Xubno katirsan Al Shabaab oo la qabtay iyaga oo dhaawac ah (Sawirro)

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno adag ku riday labo nin oo lagu helay in ay xubno ka ahaayeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab kuwaa oo iyaga oo dhaawac ah laga soo qabtay gobolka Mudug.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil iyo Maxamed Xuseen Xasan Abuukar ayaa maxkamada ciidamada ku heshay in ay kamid ahaayeen  Alshabaab gaar ahaa in ay  ka kala tirsanaayeen qaybaha Caafimaad iyo Jabhadaha gobalka Mudug.

Ciidamada milatariga gaar ahaan qeybta 21-aad ayaa gacanta kusoo dhigay labadan dagaalyahan bishii maarso ee Sanadkan, waxaana labadan eedeesane lagu soo wareejiyay hay’addaha dambi baarista si ay baaris ugu sameeyaan kadibna dacwad loogu soo oogo.

 

 

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa bishoo April ee sanadkan codsaday in la muddeeyo dhageysiga Dacwadda, waxa ayna Maxkamadda Aqbashay in loo fariista Dacwadda ka dhanka ah labada Eedeysane 19 April Sanadkan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka codsaday labada Eedeysane in loo Ciqaabo dambiga ay galeen Maadaama Ciidamada Amniga ay kala hor tageen hub wax dila balse ay Ciidamada doorteen in la mariyo Nidaamka Cadaaladda.

Qareenada u dooday labada Eedeysane ayaa Maxkamadda ka codsaday in loo Naxariisto maadaama aysan ka dhalan khasaaro weeraradii ay qaybta ka ahaayeen isla markaan ay iyga dhaawacya ka soo gaareen.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo fadhiya kala duwan ka yeeshay kiiskan ayaa ugu dambeyn kuwada xukumay 1- Cabdullaahi Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil & 2- Maxamed Xuseen Xasan Abuukar Xabsi Daa’in sida uu u sheegay dhinacyada Dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute  ayaa sheegay in Xukunsanayaasha ay haystaan fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib hadii aysan ku qanacsaneyn xukunka hada lagu riday.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -