Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maraykanka oo soo saaray gantaalkii ugu weynaa taariikhda (Sawirro)

Shirkadda American SpaceX ayaa shaacisay iney soo saartay gantaalkii ugu weynaa abid oo Joog ahaan lagu qiyaasay 120m (400ft) kaasoo ah nooca qaada dayax gacmeedyada hawada sare loo diro.

Qaybta sare oo la yiraa Starship iyo xoojiye qaybta hoose ah oo la yidhaa Super Heavy ayuu ka kooban yahay, labadaa qaybood oo isku xidhan ayaa lagu soo bandhigay goob ku taal Boca Chica, Texas.

Waxaa lagu sameyn doonnaa toddobaadyo ilaa bilo uu ku jirayo xaalad tijaabo ah si loogu diyaar garoobo duullimadkiisii u horreeyey.

SpaceX ay sheegtay in qorshaheedu yahay in uu yeesho meel laga kaantaroolo marka uu soo dhaco ee soo gaadho dhulka ama aagagga badda, si dib loogu isticmaalo.

Marka si buuxda loo horumariyo, uu ka awood badnaan doono inuu aadamaha geeyo Dayaxa iyo Mars.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Soomaali ku xirneyd xabsiyada dalka Ukraine oo lasii daayay

Cabdi Cade

Waa Kuma C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) Muxuu soo qabtay Muxuuse ku soo kordhiyay Shacabka !!

admin

C/wali Gaas oo sagootiyey Qunsul dhameystay muddo xileedkiisii shaqo (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---