C/wali Gaas oo sagootiyey Qunsul dhameystay muddo xileedkiisii shaqo (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa Madaxtooyada Puntland ee Garòowe munaasabad sagootin ah ugu sameeyey qunsulkii hore ee qunsuliyadda Itoobiya u fadhiyey Puntland Mr. Asmalash oo ay dhammaatay muddo xiliyeedkiisii shaqo.

Gaas ayaa waxaa munaasabadda ku weheliyey Madaxweyne ku-xigeenkiisa  Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo Saraakiil ka tirsan qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Mr. Asmalash ku ammaanay shaqada adag ee uu kasoo qabtay Puntland iyo sida uu u xoojiyey wadashaqaynta Itoobiya iyo Puntland.

”Runtii ma dhicin in aan maalin dhibsano shaqadiisa Danjire Asmalash, marwalba wuxuu u shaqaynayey si hufan, mana ahayn nin xafiiskiisa kaliya ku eg ee si balaadhan ayuu uga shaqayn jiray wanaajinta xiriirka labada dal, waxaan rajaynayaa midka badali doona in uu noqdo mid la mid ah, aad iyo aad buu u mahadsan yahay, waana u hambalyeynaynaa meel walba oo uu tago” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiisa sheegay in Asmalash uu dhexgalay bulshada Puntland, waxaana uu tilmamaay inuu ahaa nin shakhsiyad wanaagsan oo markasta dhanka wanaagsan wax u xaliyo.

Gaas ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyey Mr. Asmalaash iyo hadiyado gaar ah oo ay ka mid ahayd dharka hidiyo dhaqanka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -