Garabka Cabdi Xaashi oo qaaday talaabo jawaab u ah doorashadii ka dhacday Afisiyooni

Garabka uu hogaamiyo Cabdi Xaashi ee siyaasiyiinta Somaliland ayaa doorasho u qabtay Afartii xubnood ee ugu jiray guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi.

Xubnahan guddiga maamulaya xulista kuraasta gobolada waqooyi garabka Cabdi Xaashi  ayaa mar kale gudoomiye u doortey Suleyman Caydiid Cismaan, halka ay ku xigeena ka dhigeen, Cabdishakuur Abiib Hayir.

Talaabadan ayaa ah mid jawaab u ah doorashadii maanta ah ka dhacday Teendhada Afasiyooni ee ay taagaeereen xukuumada iyo guddiga doorashooyinka heer federaal taasoo Khadar Xiriir Xuseen loogu doortay guddoomiyaha guddiga garabka Mahdi Guuleed, halka Najiib Xuseen Samatar uu kusoo baxay ku xigeenka.

Khilaafka siyaasiyinta gobolada woqooyi ku metelaya DF ayaa u muuqda mid faraha ka baxay oo loo taag waayey, iyadoo RW Rooble oo marar badan isku dayey inuu xaliyo khilaafkaas uu haatan u muuqdo inuu ka quustay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -