Ra’isul Wasaare Dal oo Dhagax Madaxa looga dhaawacay !! (Daawo Sawirada)

Ra’isul Wasaaraha dal yar oo ku yaal koonfurta Kariibiyaanka ayaa isbitaal loola cararay kadib markii dhagax weyn madaxa looga dhuftay xili uu kusoo dhawaaday dad dhigayay banaan bax ay uga soo horjeedeen habka loo maareenayo talaalka Covid-19.

Ralph Gonsalves, oo ah Ra’isul Wasaaraha dalka yar ee ka kooban jaziiradaha St Vincent and Grenadines, ayaa dhagax madaxa looga dhuftay xili uu dhax marayay dad banaan bax kahor dhigayay xarunta Baarlamaanka dalkaasi.

Muuqaalo iyo Sawirro warbaahinta lagu soo bandhigayay ayaa muujinayay Ra’isul Wasaare Ralph Gonsalves, oo madaxiisa dhiig ka socdo kadib markii dhagax xoogan oo lagu soo tuuray ku dhacay.

Masuuliyiin aad ugu dhaw dhaw Ra’isul Wasaare Ralph Gonsalves, ayaa warbaahinta u sheegay in markii hore la geeyay xarun caafimaad oo lagula tacaalay waxaana markii dambe dhaawaciisa loo qaaday Jaziirada Barbados si raajo madaxa looga soo saaro.

Dalka yar ee St Vincent and Grenadines ayaa ka kooban 32-jaziiradood, dalkan yar ayaana inta badan caalamka laga aqoon, dhacdadan lagu dhaawacay Ra’isul Wasaaraha ayaana dad badan ku maqleen magaca dalkan yar ee Jaziiradaha ka kooban.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -